Thursday, August 10, 2017

Qalbigaaga qurunka ka ilaali.


Qalbigaaga qurunka ka ilaali.

     Gabadh maclimad ah ayaa ardayda yaryar siisay inay todobaad ciyaaro qaataan. Waxaana ay mid kasta ku amartay inuu soo qaato kiish iyo dhowr xabo oo baradho ah.
    Waxa kale oo ay bartay inuu mid kasta ku sawiro wejiga qofka uuu neceb yahay baradhadaasi. Isagoo shanta midh kusawiray shan qof oo uu neceb yahay.
Sidaasi ayay ciyaarta ugu bilowday iyadoo sheegtay in arday kastaa aanu furin kiishkaasi muddo todobaad ah laakiin uu sito oo aanu soo dhigin.
    Todobaad ka dib ayuu kiishkii ardaydii ku cuslaaday isla markaana uu keenay ur xun, ka dib markii ay baradhadii xumaatay. 
   Iyagoo ardaydii yaaban ayay macalimadii u yeedhay, waxay weydiisay dareenkooda .Waxayna cabasho ka muujiyeen dhibaatada ay kala kulmeen qudhunka ay sidaan ee culaysa iyo urkaba leh. Maclimadda ayaa ku tidhi:” Tani waa nacaybka aad u qabto qof sida uu qalbigaaga ugu ahaanayo mid culus oo ur xun.
Markaa todobaadka keliya ayaad xamili weyday inaad sido, maxaa kugu khasbaya inaad noloshaada oo dhan qalbigaagaku hayso nacayb aad u qabto qof kale. 
Nolosha gaabani waxay ku fiican tahay is cafis iyo iskaashi, iyo gefka kaaga yimaada qofka kale oo aad iska ilowdo si aanu culays kugu noqon.

No comments:

Post a Comment

home

taariikhda magaalada boosaaso

Boosaaso  ( Af-Carabi :  بوصاصو ;  Af-Ingiriis :  Bosaso ; sidoo kale loo yaqaano  Bandarqasin ) waa magalo ka mid ah magaalooyinka ugu ...

Popular Posts