Mo ha iigu yeerina ee Maxamed iigu yeera

dhulkaabE.blogspot.com
Oradyahanka Soomaaliyeed ee haysta dhalashada Britain kuna guulaystay afarta jeer tartanka ciyaaraha Olambikada ayaa ku dhawaaqay in uu doonayo in loogu yeero magaca Maxamed marka uu bilaabayo boga cusub ee xirfadiisa.
34 jirka ku guulaystay biladda qalinka tartankii ugu danbeeyay ayaa wax ka badalaya wadada tartanka uu diirada ku hayo.
Waxa uu xusayaa bilow cusub isaga oo badalaya magaca "Mo" una guuraya oo ku badalaya magaca "Maxamed".
"Magacayga mustaqbalka waa Maxamed,"ayuu yiri.
"Waxa aan dareemayaa in imika Mo ay dhamaatay ,waxa aan doonayaa in aan hilmamo hamigii aan gaaray iyo wixii aan sameeyay."ayuu yiri
Ma mid u muuqtaa in aysan suuragal ahayn.
Richard Fitzwilliams,oo ah la taliye dhanka xiriirka bulshada ayaa sheegay in uu aad ula yaabay ku dhawaaqida in Mo farax uu doonayo in Maxamed loogu yeero.
"Qof waliba waxa uu ku jecelyahay magaca Mo," ayuu yiri Richard .
" Mo waa magac gaaban sidoo kale waa magacii uu caanka ku noqday guud ahaan caalamka ,waana ta sida uu ku dagay qalbiyadeena iyo maskaxdeena " ayuu yiri Richard Fitzwilliams.
Mr Richard Fitzwilliams ayaa carabka ku adkeeyay in aysan suuragal ahayn islamarkana uusan filayn in dad badan ay isticmaalaan magaciisa buuxa ee Maxamed.
"Sababta kale ee ay ugu adkaan doonto ayaa waxa ay tahay waxa jira malaayiin Maxamed - balse waxaana jira hal Mo."ayuu yiri.
Hasa yeeshee Rebecca May,oo ah khabiir dhanka xiriirka bulshada ayaa sheegtay in ay suuragal tahay in qofka uu magciisa badalo.
Waxa ay sheegtay : "Maxamed ma aha magac la badalayo ,waxa uu doonayaa uun magaciisa oo buuxa ,ee ma rabo naanays".ayay tiri Mrs Rebecca.
"Waxa aan u malaynayaa in u jeedada ay tahay in bogga cusub ee xirfada ciyaaraha uu doonayo in uu ka soo muuqdo magaca Maxamed"ayay intaa ku dartay.
Dadka kale ee caanka ah ee Badalay magacyadooda
Mo Farah ma aha qofkii ugu horeeyay ee caan ah oo badala magaiisa balse qaarkood uma suuragalin.
Dhaxal suge William,ayaa markii uu guursaday Kate Middleton xubnaha qoyska, saraakiisha qasriga boqortooyada iyo saaxibadeed waxay ugu yeerayeen magaca Catherine.
Balse dadka intiisa kale waxa ay ku dhaganaayeen magaca Kate.
Mr Fitzwilliams ayaa sheegay in arrintan ay ahayd mid ay warbaahintu uga dan lahayd naanays iyo caannimo.
"Saxaafadda ayaa inta badan door bidda magacyada la soo gaabiyay waana taa sababta aan dhaqso loo qaban magaca Catherine,"ayuu yiri Mr Fitzwilliams.
Ciyaaryahanka kooxda Manchester uga ciyaara dhanka weerarka Andy Cole ayaa go'aansaday isaga oo 28 jir ah,in loogu yeero magaca Andrew.
Waxaad maskaxda ku haysaa in taageerayaasha ay waqti dheer ku luuqayn jireen magaciisii hore ,marka ma aha codsi fudud.
17 sano ka dib waqtigaasi ilaa iyo hadda saxaafada waxa ay isticmaashaa magaciisi hore iyo midka uu jecelyahay in loogu yeero.
Balse Maxamed Cali dhibaato kalama kulmin in uu magaciisa badalo.
Feeryahankii caanka ahaa ee ú dhashay dalka Maraykanka ayaa markii hore waxa uu magaciisa ahaa Cassius Clay, balse 1964 ayaa waxa uu badalay magacii markii uu dhashay loo bixiyay wuxuuna qaatay diinta Islamka.
Mr Fitzwilliams ayaa yiri: "Waa tusaale aad u wanaagsan islamarkana waxa u suuragashay in magaciisa la badalo.
"Waxa uu ahaa mid xoog badan uma baahnayn in magaciisa la suuq galiyo"ayuu yiri Mr Fitzwilliams oo ah la taliye dhanka xiriirka bulshada.
Yusuf Islam oo ah fannaan u dhashay dalka UK ayaa isna sidoo kale badalay magaciisii hore ee Cat Stevens.
Balse magiciisii hore ayaa wali sii daba socda oo ay dad badan ugu yeeran.
Ma aha mid halkan lagu soo koobi karo dadka caanka ah ee isku dayay in ay magacyadooda badalaan balse kuwanina waa qaar ka mid ah dadkaas.
No comments:
Post a Comment