Jaziirahada Caalamka jira mida ula yaabka ah badan ayaa waxa ay tahay jaziirada lagu magacaabo Athos, waxa ay ku taalaa Greece waa jaziirad ay ku nool yihiin Raga oo kaliya loona ogoleen in qof dumar ahi cag saarto in ay ku noolaato iskaba daaye waxa loo ogoleen xayawaanaadka midooda dhediga ah.
Jaziirada tani waxa la helay qarnigii 8aad xukunkii dalwaynihii la oran jiray greek waxa lagu qiyaasay raga ku nool in ay tiro yihiin 4000 waxa ay u badan yihiin rag dhalinyara ah, waxa ay go’aan adag ku gaareen in ruux dumar ahi tagi Karin, ayada oo sida tahay baa mar waxa tagtay boqoradii ka talin jirtay wadanka Austria si qarsodi ah markii ay tagtay baa waxaa laga warhelay ragii is-qabqabsi kadib iyo dood dheer waxa ay ku xukumeen maadaama ay joogta jaziirada in ay ku socon waxana loo xilsaaray in raga ku nool qaar ka mid ahi ay xambaaraan oo ku soo wareejiyaan ayaga oo u diiday in lugaheeda ku socoto sidii baana la yeelay ayada oo cag saarin ka soo laabatay.
Lahaanshahadhulkaabe.blogspot.comImageSawir muujinaya diyaarad Lufthansa ay leedahay / ma ahan diyaaradii la afduubtey
Sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan madxafka Dornier ee koonfurta dalka Jarmalka, waxaa la qorsheyanaa in madxafkaasi la geeyo haraadiga diyaaradii Lufthansa ee nooceedu ahaa Boeing 737 ee 40 sano ka hor laga soo furtey magaalada Muqdisho kadib markii ay afduubteen kooxo Falastiiniyiin ah.
Diyaaradan ayaa waxa ay tiiley garoonka Fortaleza ee dalka Brazil, waxaana lasoo wareegtey wasaaradda arrimaha dibada ee Jarmalka, waxaana la dhigayaa madxafka si ay astaan ugu noqoto 'dhabar adeega iyo geesinimada dadka Jarmalka' sida uu wargeyska Bild u sheegey wasiirka arrimaha dibada Jarmalka Sigmar Gabriel.
Bishii Oktoobar, 1977-dii ayay kooxo Falastiinyiin ah magaalada Frankfurt kasoo afduubteen diyaaradani, iyaga oo markii dambe kusoo dajiyey garoonka caalamiga ah ee Muqdisho, halkaasi oo markii dambe ay rakaabkii soo furteen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Jarmalka oo gacan ka helayay dowladdii militariga ee xiligaasi Soomaaliya ka talineysay.
Duulimaadka tirsigiisu ahaa 181 ayaa waxaa afduubtey koox falaago ah oo isugu jirey falastiiniyiin iyo lubnaaniyiin, kuwaasi oo mid ay haweeney ahayd, waxayna doonayeen in lasoo siidaayo rag ay jabhadda ka wada tirsanaayeen oo ku xirnaa xabsi ku yaala Jarmalka.
Diyaaradan ayaa waxa ay soo martay magaalooyinka Roma, Dubai iyo Cadan, iyada oo kama dambays soo cago dhigatay magaalada Muqdisho.
Waxa ay afduubayaasha dileen duuliyihii diyaarada markii ay Muqdisho yimaadeen.
Wadahadal iyo heshiis dhexmaray dowladdii Jarmalka Galbeed iyo dowladdii Soomaaliya ayaa waxa uu suurtogaliyey in Muqdisho ay kasoo dagaan unug ka tirsan ciidamada sida gaarka u tababar ee dalkaasi Jarmalka, kuwaasi oo ku guuleystey in ay galaan diyaarada , kadibna soo furtaan 83 qof oo ahaa rakaabkii diyaaradda.
Waxaa hawlgalka lagu diley 2 ka mid ah afduubayaasha , labadii kalana waa la dhaawacay.
Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey Shilin Soomaaliga cusub ee dowladda qorsheyneyso in ay soo daabacato markii ugu horeysey muddo 27 sano ah.
Shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu ku sheegey in dowladda soo daabici doonto lacag tirsigeedu badanyahay oo isku dhegan sida Shs20,000 (labaatan kun shilin).
Lacagta ugu weyn ee hadda shaqaysa waa lacagta Shs1, 000 (kunka shilin) oo la daabacay sanaddii 1991-dii si rasmi ah xiligii ay sii dhacaysay dowladdii Jaalle Maxamed Siyaad Barre.
Qorshaha lagu soo daabacayo lacagta cusub waxa uu soo biloowdey sanado ka hor, hase yeeshee ma jirin wax talaabo rasmi ah oo laga qaaday.
Balse dowladda hadda jirta ayaa shirkii London ee Soomaaliya loo qabtay bishii May ee sanadkan la tagtay qorshe raasumaal loogu raadinayo sidii loosoo daabici lahaa lacagta cusub, sidaasi darteedna Bangiga Adduunka ayaa bixinaya lacag dhan $60 malyan oo doolar oo lagu soo daabacayo shilinka cusub.
Diidmada Kunka Shilin
Todobaadyadii ugu dambeeyey waxaa meelo ka mid ah dalka laga diidey lacagta kunka shilin, kadib markii xarakada Alshabaab ay soo saartay amaro la xiriira in shilin Soomaaliga aanan wax lagu kala iibsan karin.
Sidoo kale magaalooyin ka tirsan gobolada dhexe sida Guriceel ayaa laga diidey kunka shilin kadib markii ay suuqa soo galeen lacago been abuur ah.
Lacagaha been abuurka ah ma ahan wax cusub, intii uu dalka burburka ku jireyba daabacaadoodu waa ay socotey, waxaana hadda loo maleynayaa in lacagta suuqa ku jirta ay u badantahay tan been abuurka ah marka la barbardhigo tii la daabacay 1991-dii.
Waxaase xaalka oga sii daray, lacagta hadda shaqaysa oo aad u duugoowdey, islamarkaasina in badan oo ka mid ah aanan la isticmaali karin.
Waxaa intaasi dheer in qiimo dhaca ku dhacay shilinka owgiis aysan suurtogal ahayn in qofka si sahal ah uu jeebka ugu qaato lacag intii uu doono, wuxuuna u baahanyahay qofka in uu bac ama jawaan ku qaato.
Guddoomiyaha bangiga dhexe Bashiir Ciise waxa uu sheegey in lacagta cusub ee lasoo daabacayo loo naqshadayn doono qaab casri ah oo aanan la been abuuri karin.
Maxaa ka jira eedeymaha sheegaya in ganacsatadu ay lacag siiso Shabaabka?
Diidmada Shilin Soomaaliga oo ku sii fideysa bartamaha Soomaaliya
6 arrin ka ogow dhaqaalaha Soomaaliya
Taariikhda Shilin Soomaaliga
Magaca Shilinka waxa uu baxay sanadkii 1921-dii xiligaasi oo gumeystihii Ingiriiska uu meel mariyay gaar ahaan gobolada Waqooyi oo uu ka talinayay, laakiin si rasmi ah waxaa loo qarameeyey 15-kii Bishii Diseembar, 1962-dii.
Oradyahanka Soomaaliyeed ee haysta dhalashada Britain kuna guulaystay afarta jeer tartanka ciyaaraha Olambikada ayaa ku dhawaaqay in uu doonayo in loogu yeero magaca Maxamed marka uu bilaabayo boga cusub ee xirfadiisa.
34 jirka ku guulaystay biladda qalinka tartankii ugu danbeeyay ayaa wax ka badalaya wadada tartanka uu diirada ku hayo.
Waxa uu xusayaa bilow cusub isaga oo badalaya magaca "Mo" una guuraya oo ku badalaya magaca "Maxamed".
"Magacayga mustaqbalka waa Maxamed,"ayuu yiri.
"Waxa aan dareemayaa in imika Mo ay dhamaatay ,waxa aan doonayaa in aan hilmamo hamigii aan gaaray iyo wixii aan sameeyay."ayuu yiri
Ma mid u muuqtaa in aysan suuragal ahayn.
Richard Fitzwilliams,oo ah la taliye dhanka xiriirka bulshada ayaa sheegay in uu aad ula yaabay ku dhawaaqida in Mo farax uu doonayo in Maxamed loogu yeero.
"Qof waliba waxa uu ku jecelyahay magaca Mo," ayuu yiri Richard .
" Mo waa magac gaaban sidoo kale waa magacii uu caanka ku noqday guud ahaan caalamka ,waana ta sida uu ku dagay qalbiyadeena iyo maskaxdeena " ayuu yiri Richard Fitzwilliams.
Mr Richard Fitzwilliams ayaa carabka ku adkeeyay in aysan suuragal ahayn islamarkana uusan filayn in dad badan ay isticmaalaan magaciisa buuxa ee Maxamed.
"Sababta kale ee ay ugu adkaan doonto ayaa waxa ay tahay waxa jira malaayiin Maxamed - balse waxaana jira hal Mo."ayuu yiri.
Hasa yeeshee Rebecca May,oo ah khabiir dhanka xiriirka bulshada ayaa sheegtay in ay suuragal tahay in qofka uu magciisa badalo.
Waxa ay sheegtay : "Maxamed ma aha magac la badalayo ,waxa uu doonayaa uun magaciisa oo buuxa ,ee ma rabo naanays".ayay tiri Mrs Rebecca.
"Waxa aan u malaynayaa in u jeedada ay tahay in bogga cusub ee xirfada ciyaaraha uu doonayo in uu ka soo muuqdo magaca Maxamed"ayay intaa ku dartay.
Dadka kale ee caanka ah ee Badalay magacyadooda
ImageKate iyo dhaxal suge William
Mo Farah ma aha qofkii ugu horeeyay ee caan ah oo badala magaiisa balse qaarkood uma suuragalin.
Todobaad ka dib ayuu kiishkii ardaydii ku cuslaaday isla markaana uu keenay ur xun, ka dib markii ay baradhadii xumaatay.
Iyagoo ardaydii yaaban ayay macalimadii u yeedhay, waxay weydiisay dareenkooda .Waxayna cabasho ka muujiyeen dhibaatada ay kala kulmeen qudhunka ay sidaan ee culaysa iyo urkaba leh. Maclimadda ayaa ku tidhi:” Tani waa nacaybka aad u qabto qof sida uu qalbigaaga ugu ahaanayo mid culus oo ur xun.