Monday, May 15, 2017

taariikhda maxamed c/laahi maxamed farmaajo




Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo caawa si lamafilaan ah ugu guulaystay xilka Madaxweynaha soomaaliya, ayaa waxaa laanta af-Soomaaliga  ee VOA-da, ay barnaamij kooban ka diyaarisay taariikh nololeedka iyo waxqabdkiisii shaqo ee Madaxweynaha cusub.Madaxweyne  Farmaajo ayaa waxa uu dhashay bishii March 1962, Waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Waxbarasho:1993: Waxaa uu ka qalin jabiyay State University of New York ee Buffalo, isagoo ku taqasusay taariikhda (Yurub iyo Mareykanka).Isla Jaamacaddaas ayuu ka qaatay shahaadad Master sanado kadib.

Shaqo:1981: Waxaa uu shaqo ka bilaabay Wasaaradda arrimaha dibadda, qaybta waaxda lacagta, Maamulka iyo Arkiifiyada.1985-1989: Xogheyaha 2-aad ee Safaaradda Soomaalida ee Washington.2000: Golaha dhexe ee xisbiga Jamhuuriga eedalka
Mareykanka.2002:Xiriiriyaha State of New York  ee arrimaha xuquuqul Insaanka iyo dadka laga tirada badan yahay.

2010: Ra’isul wasaaraha TFG-da ee dowladdii Sharif Sheekh Axmed


.2015: waxaa uu Bare ka noqday iskuulka Erie College oo ku yaalla magaalada buffalo.Waxana uu Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) caawa noqday Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, kadib markii uu tanaasulay madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud oo kula tartami lahaa wareegga ugu dambeeya ee Doorashada.

No comments:

Post a Comment

home

taariikhda magaalada boosaaso

Boosaaso  ( Af-Carabi :  بوصاصو ;  Af-Ingiriis :  Bosaso ; sidoo kale loo yaqaano  Bandarqasin ) waa magalo ka mid ah magaalooyinka ugu ...

Popular Posts