Monday, May 29, 2017

arin layaab leh nin gudan rabay acmaashii xajka oo calooshiisa laga helay maqas

JIDA(CYN)Wararka aanu ka helayno warbahinta Dalka Sacuudiga ayaa sheegaysa inay mid ka mid ah xujeda calooshiisa ka heleen maqas.
kaas oo ka yaabiyay shaqalaha amaanka xajkaDhacdadan oo la ayaab noqtay ayaa ka dhacday Garoonka diyaaradaha Boqor Cabdal-Caziiz ee magaalada Jiddah markii nin u dhashay dalka Nigeria oo baaritaan caafimaad iyo mid amni la marayay laga helay calooshiisa maqas.aad u dheerMaamulaha Xarunta kormeerka caafimaadka ee Garoonka Boqor Cabdal-Caziiz ee magalada Jiddah Cabdul-Qani Al-Maaliki ayaa warbaahintau sheegay in hay’adaha amaanka ay soo gudbiyeen in markii (SC) la marinayay in ninkan ay calooshiisa  ku jirto maqasSida sawirka ka (SC) ayaa la saaray taasoo si nadiif ah u soo muujisay maqaska ninkaani calooshiisa ku jirtay.
Hay’adaha amaanka ayaa shaki badan ka muujiyay in ninkaani wato walxaha qarxaha laakiin markii ay hay’adaha caafimaadka ku wareejiyeen la ogaaday inuu maqas uu ku jiro calooshiisa.

Ugu danbeyn ninka u dhashay dalka nageria ee maqaska laga dhex helay ayaa markii la wareystay wuxuu sheegayin 15 sano ka hor qaliin lagu sameeyay ay la tahay darteed ay la tahay in lagu dhex hilmaamay calooshiisa maqaska .
Wuxuu si weyn u beeniyay inuu wax ka ogaa in jirkiisu ku jiro biro xiligi uu soo aadayay Dalka Sacuudiga si uu u guto acmaasha xajka ee muslimiinta laga rabo qofkii awoodaBalse tani waxay kuu cadaynaysaa in bulshada ku nool qaarada Africa aanay helin dhakhaatiir aqoon leh oo xaaladooda cafimaad la tacaasha bulshada Africa

Monday, May 15, 2017

taariikhda maxamed c/laahi maxamed farmaajo




Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo caawa si lamafilaan ah ugu guulaystay xilka Madaxweynaha soomaaliya, ayaa waxaa laanta af-Soomaaliga  ee VOA-da, ay barnaamij kooban ka diyaarisay taariikh nololeedka iyo waxqabdkiisii shaqo ee Madaxweynaha cusub.Madaxweyne  Farmaajo ayaa waxa uu dhashay bishii March 1962, Waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Waxbarasho:1993: Waxaa uu ka qalin jabiyay State University of New York ee Buffalo, isagoo ku taqasusay taariikhda (Yurub iyo Mareykanka).Isla Jaamacaddaas ayuu ka qaatay shahaadad Master sanado kadib.

Shaqo:1981: Waxaa uu shaqo ka bilaabay Wasaaradda arrimaha dibadda, qaybta waaxda lacagta, Maamulka iyo Arkiifiyada.1985-1989: Xogheyaha 2-aad ee Safaaradda Soomaalida ee Washington.2000: Golaha dhexe ee xisbiga Jamhuuriga eedalka
Mareykanka.2002:Xiriiriyaha State of New York  ee arrimaha xuquuqul Insaanka iyo dadka laga tirada badan yahay.

2010: Ra’isul wasaaraha TFG-da ee dowladdii Sharif Sheekh Axmed


.2015: waxaa uu Bare ka noqday iskuulka Erie College oo ku yaalla magaalada buffalo.Waxana uu Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) caawa noqday Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, kadib markii uu tanaasulay madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud oo kula tartami lahaa wareegga ugu dambeeya ee Doorashada.

Sunday, May 14, 2017

CAADI MAAHA

Waa waalanyahay caadi maaha ama waa layaab 

 Haduu qof ku dheho ha moodin in uu ku maagay ee waxaad samaysay wax uu layaabay oo isagu samaynkarin ama uusan u bareeri karin



Dadka qaar ayaa aaminsan hadii qofka   layiraahdo waa waalanyahay caadi maaha ama waa layaab in ay waxkasiyihiin.


Balse dadka ilaahay waa uu kala duway waana sida faraha oo kaleeto masina sidaa awgeed waxaa jira qof walba hibo ama wax hidoraaca oo ugaara ,waxaasi oo ay dadka kale samayn karin isaga marka uu sameeyana waa ay layaabaan.


Dadka aduunka kunool waxa ay leeyihiin dhaqamo kala duwan  oo mid waliba gaar layahay .

Dalalka aduunka ugu dhaqamada layaabka badan waxaa kamida hindiya oo ay kunoolyihiin dad aad u fara badan .

Dadka somaliya ayaa ah dad isku diin isku dhaqan isku midab isku af ah waana dad isjecel oo ah dad wanwanaagdan sidookale waa dad kucaan baxay martisoorka .

Dadka somaliyeed ayaa waxa lagu tiriya dadka ugu ilbaxsan afrika maadaama ay deganyihiin meel istaraatiiji ah oo ay ku kulmaan umado badan .



Waxkasta waxaa ka wacan in dhaqankaaga uusan wax u dhimayn diintaada waana inaad qaadan dadkale dhaqankood oo aadan garanayn adoo aanaan wax micne ah u garanayn .



Waa qalinkii ::::    maxamed amiin somali





home

taariikhda magaalada boosaaso

Boosaaso  ( Af-Carabi :  بوصاصو ;  Af-Ingiriis :  Bosaso ; sidoo kale loo yaqaano  Bandarqasin ) waa magalo ka mid ah magaalooyinka ugu ...

Popular Posts