Saturday, April 29, 2017

ma ogtahay. waxbaro

Ma ogtahay
ASC DHAMAAN INTA FAHMAYSA AFKA SOMALIGA KUSOO DHOWADA BARAAMIJKA
 MA_OGYTAHAY AKHRISTOOW

-Ma Ogtahay In Dhawaaqa Ilmuhu ugu hor barto kana dhex garto codadka kale uu yahay codka hooyadii, kaas oo uu barto, si fiicana u maqlo inta uu Uurka ku jiro ee aanu soo dhalan, sida baadhitaano cilmi muujiyeen

-Ma Ogtahay, in ceelkii ugu horeeyay dunida ee Naafto laga soo saaraa ahaa, sanadkii 1859-kii, kaas oo laga qoday gobolka Pennsylvania ee dalka Maraykanka

-Ma Ogtahay, In Masaafada Codka Libaaxa laga maqli karaa tahay 8km.

-Ma Ogtahay, In Bisadu samayn karto ilaa 100-cod oo kala duwan, halka Eygu 10-Cod oo qudha u ciyi karo.

-Ma Ogtahay, In Beertii Ugu Horaysay ee Xayawaanka Lagu rabeeyo Dunida sanadkii 1793 laga sameeyay Magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska.

-Ma Ogtahay in farasku dhinto haddii dabada laga gooyo oo aanu noolaan Karin.

-ma Ogtahay In Basashu tahay shayga labaad ee milixda soo raaca ee dhamaan aadamigu ka siman yahay, hadday tahay ku darsashada cuntada iyo inay u aaminsan yihiin khudaarta dawada laga helo.

-Ma Ogtahay, In Jidadka waaweyn ee magaalooyinka dalka Jaban aanay lahayn magacyo, sida caasimaddaha kale ee dunida magacyo jidadku u leeyihiin
waad mahadsantihiin dhamaantiin. waa page ma ogtahay


Diyaarintii maxamed amiin somali


1 comment:

home

taariikhda magaalada boosaaso

Boosaaso  ( Af-Carabi :  بوصاصو ;  Af-Ingiriis :  Bosaso ; sidoo kale loo yaqaano  Bandarqasin ) waa magalo ka mid ah magaalooyinka ugu ...

Popular Posts