Saturday, April 29, 2017

ma ogtahay. waxbaro

Ma ogtahay
ASC DHAMAAN INTA FAHMAYSA AFKA SOMALIGA KUSOO DHOWADA BARAAMIJKA
 MA_OGYTAHAY AKHRISTOOW

-Ma Ogtahay In Dhawaaqa Ilmuhu ugu hor barto kana dhex garto codadka kale uu yahay codka hooyadii, kaas oo uu barto, si fiicana u maqlo inta uu Uurka ku jiro ee aanu soo dhalan, sida baadhitaano cilmi muujiyeen

-Ma Ogtahay, in ceelkii ugu horeeyay dunida ee Naafto laga soo saaraa ahaa, sanadkii 1859-kii, kaas oo laga qoday gobolka Pennsylvania ee dalka Maraykanka

-Ma Ogtahay, In Masaafada Codka Libaaxa laga maqli karaa tahay 8km.

-Ma Ogtahay, In Bisadu samayn karto ilaa 100-cod oo kala duwan, halka Eygu 10-Cod oo qudha u ciyi karo.

-Ma Ogtahay, In Beertii Ugu Horaysay ee Xayawaanka Lagu rabeeyo Dunida sanadkii 1793 laga sameeyay Magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska.

-Ma Ogtahay in farasku dhinto haddii dabada laga gooyo oo aanu noolaan Karin.

-ma Ogtahay In Basashu tahay shayga labaad ee milixda soo raaca ee dhamaan aadamigu ka siman yahay, hadday tahay ku darsashada cuntada iyo inay u aaminsan yihiin khudaarta dawada laga helo.

-Ma Ogtahay, In Jidadka waaweyn ee magaalooyinka dalka Jaban aanay lahayn magacyo, sida caasimaddaha kale ee dunida magacyo jidadku u leeyihiin
waad mahadsantihiin dhamaantiin. waa page ma ogtahay


Diyaarintii maxamed amiin somali


Wednesday, April 12, 2017

deegaanka kalabayr ee gobolka bari

Deegaanka kalabayr waa deegaan kuyaal gobolka bari waxa uuna kuyaal inta u dhexeysa magaalooyinka boosaaso iyo qardho.



    Kalabayr waxaa la aasaasay sanadii 1978 waxaana ay kakoobantahay afar xaafadood oo kala ah

   Garsoor
 Laanta hawada
Laanbarwaaqo 
Iyo bilan


















Qore maxamed amiin somali

home

taariikhda magaalada boosaaso

Boosaaso  ( Af-Carabi :  بوصاصو ;  Af-Ingiriis :  Bosaso ; sidoo kale loo yaqaano  Bandarqasin ) waa magalo ka mid ah magaalooyinka ugu ...

Popular Posts