Thursday, October 5, 2017

WAX KA BARO DR ZAKIR NAIK




Waa Kuma Dr: Zakir Naik




    . "Waxay i yaadhaah daan waxaad tay wahabi, Se ma, oga in Alle " swc " Magacyadiisa ( AL-WAHABU ) ku jiro.... ~
      Zakir Naik.Dr: Zakir Abdulkariim Naik Wuxuu ku dhashay Magaalada Mumbai, Gobolka Maharashtra ee Wadanka India, Hilaadii 18th Oct 1965
.Waa daaci diinta Alle " swc " ku baaqa iyo Tawhiidka oo ah U-gaaryeelida cibaadada Alle kaligiis, Wuxuu sheekhu Wax kabartay kana qaatay shahaadada koowaad ee cilmiga caafimaadka iyo qaliinka ( Medicine & Surgery ) Jamacada Mumbia ( University of Mumbia ).

   Qoyska Sheekha :-Dr: zakir naik wuxuu leeyay hal-xaas oo la yidhaa farhat naik iyo wiil iyo gabadh kuwaas oo kala ah, fariq naik iyo rushdaa naik, oo dhamaantood ku hawlan u adeegida diinta islamka.
    Yaa Saameeyey Sheekha :-Sida uu sheegay Dr zakir naik sanaddii ( 2006 ) waxa dhiiri galiyay saameyayna, Sh Ahmed Deedaat oo dhalasho ahaan kasoo jeeda waddanka South Africa, Xiligaas oo Dr Zakir naikla kulmay Sh deedat 1987 kii, Wax yaabaha ugu layaabka badan ee wakhtigaa deedat ugu yeedhay naik waxa kamid ahayd ( Deedat Plus ) oo noqonaysa " kii deedat baro dhaafiyay "Xilimuu Sheekhu Bilaabay Ka shaqaynta Islaamka.


    Sanaddii 1991 Wuxuu naik bilaabay inuu dacwada gaadhsiiyoadduunka idilkiis, isagoo dhidibada u taagay Xarunta cilmi-baadhistaee diinta islaamka ( Islamic Research Foundation ),& telefishanka caalimaga ah ee Nabada ( Peace Tv), kaasoo Xaruntiisa dhexe ku taal UAE xarumo kalena kule Mumbai / India, lagana daawado Ku dhawaad 200 dal, 24 saacadoodba.Sidoo kale sheekhu wuxuu aasaasay iskuulka caalimiga ah eeculuumta islaamka, kaas oo bixiya tacliin bilaasha.Xarumaha ( IRF ) & ( PEACE TV ), ee sheekha waxa halku dhigu ah " Tawhiid, Truth, Justice, Morality, & Wisdom For the whole Of Humankind ", oo noqonaysa " Ku baaqida tawxiidka, Runta, Cadaalada, Anshaxa Suuban & Xigmada loo abuuray bini'aadamka oo ah cibaadada Rabbigeena " sida ku qoran Hayb-guriga degaladan.Sanadkiiba Halmar Waxa uu qabtaa Barnaamijka caanka ah ee la yidhaah " Peace Conference " shirka nabada, kaas oo ay kasoo qayb galaan Quraada Xaramaynka iyo Boqolaal milyan oo ruux kana soo boqoolay Daafaha Addunka.

    Barnaamijkan sheekha waxa la' daadihiya culimo badan oo aykamid yihiin Bilal Philipes, Abdulraheem Green, Hussein Yee, Yusuf Estes, Qadhi, Yasir fassaga & Saed Rageh.
   Doodaha iyo Muxaadiraatka Sheekha.Dr zakir naik ka qayb-galay doodo tiro badan, isla markaana noocoogu yar'yahay, sidoo kale wuxuu leeyay muxaadiraat iyo Barnaamijyo Fatwo ah, oo uu ugu caansan yahay Barnaamijka ( Dare to Ask ) " I waydii Waxaad doontid ".Waxa lagu qiyaasaa in sheekhu ku dhawaad 4000 oo muxadiro ka jeediyay adduunka, dhanka doodaha waxa ugu caansan Tii uula galay Dr William Campell oo dhalasho ahaanmaraykan ah Isagoo ku doodayay In Qur'aanku aanu la jaanqaadi karin Saynis Doodaas oo la yidhaa ( Qur'an & Bible in the light of Science 

home

taariikhda magaalada boosaaso

Boosaaso  ( Af-Carabi :  بوصاصو ;  Af-Ingiriis :  Bosaso ; sidoo kale loo yaqaano  Bandarqasin ) waa magalo ka mid ah magaalooyinka ugu ...

Popular Posts