Thursday, September 7, 2017

doorashadii ururka dhalinta somaliyeed

Waxaa xalay oo ay bishu ahayd 7/9/2017 ladoortay hogaamiyaasha ururka dhalinta somaliyeed kaasoo ka qabsoomay groupka whatsapp oo ay dhalintu ku kulanto.


Groupka oo ay ku jiraan in ka badan 50 dhalinyaro ah ayaa waxaa ,ay ku guulaysteen inay doortaan hogaan saxa oo gardaadin doona .


Dhalintaan la doortay ayaa ka kooban labo wiil iyo laba gabdhood ,waxana ay doorashada u dhacday si ,xaqa oo ay ku jirin wax is daba marina .

Gudoomiye......../maxamed siciid axmed


G/kuxigeen............/hodan farax


Afhayeen............../cadnaan


Xoghaye........../hibaaq ali





Hadaba dhalinta la doortay ayaa balan qaaday inay kasoo bixi doonaan doorkooda ku aadan inshaallah

Qof walba oo muwaadin somaliyeeda waxa uu xaq u leeyahay inuu helo ,xoriyad iyo nabad.


Hadaba waxaad tahay dhalinyaro maxaa kaaga aadan aayaha noloshaada ,iyo mustaqbalkaaga ,weli ma is waydiisay?
Waxaad rabtaa ,mustaqbal,nabad,nolol ,iyo horumar.
Hadaba waa inaad ka fakartaa aayahaaga,maxaase kaaga aadan ubaxa dalkaaga oo badaha ku dhamaanaya ????
Hadaba walaal meelkasta joog hadii aad ku hadashi afka somaliga ,dalkana aad u dhalatay ,waxaad haystaa fursad

Fiiro gaara

Hadaba qofkasta oo somaliyeed oo nagusoo biiraya waan soo dhowaynaynaa gacmafuran iyo waji dabacsan...
Wixii talo iyo tusaale ah ood noo hayso waad nagu taageeri kartaa .
Groupka dhalinta somaliyeed waxaa ku jira inkabadan 50 dhalinsomaliyeed ,kuwaaso doonaya inay nolosha guul kagaaran ,hadaba wll adiguba waad nagusoo biiri kataa .
Hadiia ad doonayso inaad nagusoo biirto ,,,,,,laxiriir ,,admin ka groupka ,,,,ahna gudoomiyaha groupka ,,,,,maxamed siciid axmed ,,,,,+252907663650

Mahadsanidin

Alle ayaa mahad iska leh mar walba keen is fahan siiyey waad mahadsantihiin.






wax ka ogow muslimiinta baarma

⭕ Arinta baarma⭕



-Dhib ma laha in ad 90 il biriqsi oo waqtiigaga ah in aad ku bixisid in aad dhibta Baarma wax ka ogatid iyo muslimka ku nool.

Sheekada oo kooban:
Dawlad madax banaan oo la dhaho Arakaan oo ay ku nool yihiin 3 milyan oo muslim ah ayaa waxa ka dhex bilowday dadaal diinta lagu gaarsiinaayo wadanka baarma ee ay daraska yihiin wadaankaasna diinta buudiska ayaa dadku aaminsanyihiin.
Sanadkii 1784 ayay nimankii buudiska waxa ay dhib sadeen muslimka waana ay la dagaalameen oo muslimkii ayay laayen waxayna dawladii madaxa banaanayd ee Arakaan ku soo dareen wadankii ay buudisku u badnaayeen ee baarma magaciina waa ay ka badaleen waxayna ku badaleen Maynmaar waxayna noqotay qayb ka mid ah baarma , muslimkiina waxa ay noqdeen dad tirro yar ka dib marka ay ahaayeen dowlad madax banaan (tirroddona ay tahay 3 ama 4 milyan), buudiskuna waa 50 milyan.

Muslimkii waxa ay samaysteen magaalooyin u gaar ah ay ku dhex noolaadan oo ay ganacsigooda iyo jaamacadahooda iyo masaajidooda ay ka fur taan.
Waxa ay bilaabeen buudiskii in ay oo weeraraan dhulka muslimiinta si ay u barabixiyaan.

Muddo kooban ka hor waxaa dhacay gawrac aad u fool xumaa,halkaasoo koox buudis ah oo manaxayaal ah ay qabsadeen gaari bas ahaa oo waday 20 ducaad(dad dadka kale diinta gaarsiiya) ah oo xufaadul quraan ah kuwaaso ku dhex wareegaayay dhulka muslimiinta si ay Ilaah xagiisa ugu yeeraan oo diinta ay u baraan kuwa aan aqoon.

Kuwan inkaarta qaba waxay ay jarjareen jirkii culumada maadama ay dadka xaga rabi ugu yeeraayeen, ilaa ay xubin xubin ay u jarjareen ilaa ay mid mid ay culumadii ay u dhinteen.🔪

Muslimkii waa ay xanaqqen oo waa ay ka ceen, buudiiskii waxa ay bilaabeen in ay tuulooyinka muslimka ay gubaan ilaa 2600 guri la gubay, waxaa ku dhex dhintay intii ku dhex dhinatay,waxaana ka cararay intii ka cararatay, waxaa na dhulkaas naftooda kala baxsaday 90 kun iyagoo bad iyo bariba adeegsanaaya ilaa hadana dilkii muslimka waa uu socdaa
Waxaana la kufsanaaya dumarkii ilaa iy ka dhimanayaan iyagoo ehelkeedii ay u jeedaan

Hadaba maxay u luntay dareenkeenii ?!
Anagoo dhan waxaanu is waydiineena maxaan u qaban karaa ?

Waajibka kaa saaran waa sidatan:

Marka hore u ducay
Marka labaad arinkooda faafi si ay dadku xaalkooda uga war qaabaan taasina waa imaankii meeshii ugu dambaysay

Hadii aad dhemaysay akhriska samay wuxuu damiirkaaku ku siiyo hadii aad damiir leedahay ?!!!  ..

حسبنا الله ونعم الوكيل...

⭕faafi si ay muslimku xaalkooda u ogadn⭕

Hal-abuur Yacquub.

home

taariikhda magaalada boosaaso

Boosaaso  ( Af-Carabi :  بوصاصو ;  Af-Ingiriis :  Bosaso ; sidoo kale loo yaqaano  Bandarqasin ) waa magalo ka mid ah magaalooyinka ugu ...

Popular Posts