![]() |
Diyaarada airasia x |
Duullimaadka dayaaradda AirAsia X ee u socday Kuala Lumpur ayaa lagu khasbay inuu ku labto Australia, ka dib markii ay shimbiro ku dheceen oo rakaabkii ay ka argagaxeen.
Dayaradda oo sidday 359 qof ayey dhibaatadu la soo daristay markii ay ka kacday xeebta Goldcoast 15:20 galabnimo ee Isniintii.
Rakaabka ayaa sheegay inay maqleen dhawaaqxoog leh oo ay arkeen dhimbilo ka soo baxay matoorka, ka hor intii aysan dayaaraddu ayadoobed qabta fariisan Brsibane saacad ka dib.
"wixii ka haray laba shimbirood ayaa laga helay dhabbaha dayaaradaha", sida waxaa yiri mas'uul dayaaradda u hadlay.
Tim Joga oo rakabka ka mid ahaa wuxuu yiri "4 ilaa 5 jug ayaan maqlay ka hor intii aanan arkin iftiin guduudan oo dibadda ka baxaya".
Wuxuu intaa raaciyey isagoo u warramayey Sydney Morning Herald "dayaaraddu waxay billowday inay gariirto, waxaana ku xigay dhowr jug oo waaweyn iyo iftiin badan".
Todobaadkii hore, dayaarad ay leedahay AirAsia X ayaa lagu khasbay inay ku laabato Perth, ka dib markii injiinku ka xumaaday.
Isla bishan gudaheeda dayaarad ay leedahay shirkadda China Eastern Airlines ayaa si degdeg ah u fariisatay Sydney, ka dib markii dalool weyn lagu arkay mid ka mid ah qafisyada ku dahaaran injiinnada.
Bishii Disembar 2014 Dayaarad ay leedahay AirAsia ayaa ku dhacday badda Java, halkaasoo ay ku dhinteen 162 qof oo saarnaa, ka dib markii hannaanka koontaroolka isteerinka uu cilladoobay.